Shaqada Baarlamaanka ?

Baarlamaanku waxaa uu unkaa ama Abuuraa Sharciyo la Xariira Awoodaha Dowlada ,wax ka bedelida Arrimaha Dhaqaallaha Xaalada taagan ee heer qaran in uu ka doodo.
Baarlamaanka ayaa kala ah Xubno ka tirsan Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare waxaana ay taageeraan howlaha ama diidaan hindisayaasha Golaha Xukumada.
• Qeeybta Aqalka Sare
• Qeeybta Aqalka Hoose ama Golaha Shacabka
• Qeeybta Howlaha Baarlamaanka ama Adeegayaasha Golaha shacabka
• Qeeybta Xafiisyada Howlaha Guud

• Hindise Maamul Qaran
Maamulku Waxaa uu ka kooban tahay xubno Baarlamaan oo kala raacsan Xisbiyada Siyaasada sida in ay doortaan Madaxda sare sidoo kale ay ansixiyaan golaha xukumadda ,sidoo kale waxaa ay codka siiyaan Ra’iisul wasaaraha kolka lasoo magacaabo,golaha baarlamaanku waxaa ay ku hadlaan codka shacabka,waxaa ay ka doodaan arrimaha Dibadda ee markaasi taagan.
Sida Baarlamaanku u shaqeeyo
Baarlamaanku waxaa uu diirada saaraa sameeynta Sharciyada Muhiimka u ah qaranka,Go’aan ka gaarista arrimaha Midnimada la xariira,ka doodista Xaaladaha Amni,Hagaajinta Maamulka Dowlada iyo Korjoogteeynta Golaha Mudanayaashu Wakiisheen.
Doorashooyinka
Xildhibaanada Labada Gole Aqalka Sare iyo Aqalka hoose ayaa soo doorta hoggaanka sare sida, Gudoomiyaha Baarlamaanka,ku xigeenadiisa iyo Madaxweynaha
Baarlamaan Cusub
Baarlamaanka Cusub waxaa uu ka bilaab’maa goorta uu furmo golaha Guud ee Golaha shacabka,waxaana uu ku egyahay goorta la doorto,sidoo kale xubinta Baarlamaanka waa ka tegi karaa ama iskacasili karaa xilka.

Su’aal
Adiga Bartay Account ama Kulyado kale Qodobada aan kor kusoo xusay lama falgeli kartid marka dunida sharciyadeeda loo eego Laakiin Soomaaliya caadi ayeey ka tahay, Hadaba sidee la isku waafajin karaa Taqasusuka Qofka iyo Howsha uu qabanaayo

W/Q:Cali Maxamed 

Contact: Xafiiska Shabakada Allmareeg.online London, UK

Email : Allmareeg@gmail.com / Tel ÷447984240403