Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo ka badbaaday shirqool halis ah

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Golaha Shacabka ayaa ka hadlay xayiraadii koobneyd ee Maanta Garoonka Aadan Cadde loogu geystay Madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif iyo xubnaha Madasha Xisbiyada Qaran ay ka badbaadeen shirqool halis gelinayey naftooda.

Sababta ayuu sheegay Xildhibaan Fiqi inay tahay, kadib markii  saakay diyaaradii Madaxdan u raaci lahaayeen Magaalada Baladweyne lagu xanibay Garoonka Aadan Cadde, kadibna markii la fasaxay oo ay ku dhawaayeen Garoonka Baladweyne laga dansaday Raadeelka.

Ugu dambeyntii Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in diyaaradda ay ugu dambeyntii si dirqi ah uga degtey Garoonka diyaaradaha Magaalada Baladweyne.

Contact: Xafiiska Shabakada Allmareeg.online London, UK

Email : Allmareeg@gmail.com / Tel ÷447984240403