Sheekh Shariif oo la kulmay Safiirka Mareykanka ee Somalia

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa Safiirka Mareykanka ee Somalia Donald Yamamoto kula kulmay Magaalada Muqdisho

Sheekh Shariif iyo Donald Yamamoto ayaa ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay siyaasadda dalka Soomaaliya iyo arrimo kale.

War qoraal ah oo bartiisa Facebook uu kusoo qoray Sheekh Shariif ayuu ku faah faahiyay kulanka, kaasi oo u qornaa sidan:-

Waxaan xarunta safaaradda Maraykanka ee Muqdisho kula kulannay Danjire Donald Yamamoto oo aan ka wada hadalnay xaaladda guud ee dalka iyo aragtida madasha xisbiyada qaran ee geediga 2020/2021.

Waxaan uga mahad celinnay taageerada ay siiyaan Soomaaliya, iyada oo aan aakhirkiina isku waafaqnay ahmiyada ay leedahay qabsoomidda doorasho hufan oo ay ka heshiiyaan saamileyda siyaasadda sida Dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo xisbiyada siyaasadda.

Waxaan kaloo la wadaagnay in marna aanan raali ka ahayn dib u dhac iyo waqti kordhin loo sameeyo dowladda oo ay waajib tahay in doorasho la aado.