Sidee wax uga dhaceen saakay 10ka Nofember 2019 Garoonka Muqdisho?

Shalay galab marki Ra’salwasaare kheyre kasoo laabtay degmada Berdaale ayaa waxaa u yeeray madaxweyne Farmaajo wuxuuna u ku yiri “koley waad ogtahay in 2di madaxweyne usocdaan Beledwenyne beri ee maxaad ku tala gashay oo kuu qorsheysan?
Kheyre ayaa Madaxweynaha ku yiri”Madaxweyne maxay kulatahay adiga in aan sameyn karno”? Madaxeeynaha ayaa ku yiri isla subixi bax oo yaysan Beledweyne kaaga hormarin odayaashaas.markaas ka dib ayaa la qorsheeyay safarka kheyre oo Ra’salwasaaruhu wuxuu wacay mweynaha Hirshabeele Waare una sheegay in uu beri Beledweyne u raacayo oo uu diyaar garoobo sidoo kale uu ka shaqeeyo in madaxweynayaasha beri baxaya uu safarkooda hakiyo lana hadlo ciidamada Jabuuti ee Garoonka Beledweyne jooga una sheego in wafdi kasta oo Ra’isalwasaaraha wafdigiisa aan aheyn aysan ka degi karin Garoonka Beledweyne,Waare wuxuu u sheegay kheyre in arintaas lagu ceeboobayo hadii la sameeyo, kheyre ayaa ugu jawaabay in aad ceebowdo iyo in aad xilka katagto tii roon soo sheeg waagu inta uusan baryina jawaab isoo sii, Waare Saakay hal saac ayuu soowacay kheyre una sheegay in uu amarka fulinaayo lana hadlayo ciidanka Jabuuti lkn wuxuu ka codsaday Ra’isalwasaraha in uu fasaxo oo kheyre kaligii aado Hiiraan maadaama uu waare mardhow meesha kasoo noqday uuna hargabsanyahay oo Vairs uu kasoo qaaday fatahaadi iyo ku dhex lugeynti biyaha uu ku wehliyay Farmaajo, sidaas ayaa waare kula hadlay Jabuutiyaanka amarkana ah in la xayiro madaxweynayaashi horana ku bixiyay.

Dhinaca kale iyagana Madaxweynayaashi hore iyo wafdigooda oo asbuuci hore u baaqday biya ku fatahmay Earaborka Beledweyna ayaa Garoonka muqdisho saaka tegay si safarki hora ugu qorsheynaa ay ugu amba baxaanBeledweyne,Diyaaradooda oo xili hore kaceysay owgeed ayay xili hore u tageen Garoonka.
Farmaajo oo ogaaday in diyaarada madaxweynayaashu ka hormari doonto mida kheyre ayaa la hadlay Fahad yasin oo awalba la ogaa qorshaha dirida kheyre kuna yiri lahadal ciidamada Garoonka muqdisho hana hakiyaan diyaarada Madaxweynayaasha oo ha celiyaan ilaa Ra’salwasaaruhu ka degayo Beledweyne kana soo noqonaayo, sidaas ayaa Fahad lahadlay maamulaha Garoonka muqdisho Abdi Ashkir iyo Taliyaha Amniga Garoonka Axmed Dirir oo labadooduba ku reer ah Farmaajo wuxuuna u sheegay in ay xayiraan madaxweynayaasha amarkaasna uu bixiyay Madaxweyne Farmaajo.
sidaas ayaana lagu xayiray diyaaradi Madaxweynayaasha lkn dhibka dhacay wuxuu ahaa maadaama ay VIP da ku jireen 2da madaxweyne kheyre oo Garoonka usoo degdegay ayaa dhex kasoo noqday ka dib marki ay cilad noqotay VIP da oo ay kuwada kulmi lahaayeen 2da madaxeyne oo ku xayiran suura galna ay tahay in ciidamada 2da madaxweyne la socda iyo ciidamadiisu Garoonka iskula dhacaan.
Marki arintu qaraaraatay oo kheyrr soonoqday uuna fashilmay qorshihi ahaa in uu ka hormaro madaxeeynayaasha ayuu lasoo hadlay Fahad kuna yiri Madaxweynuhu shil ayuu na geliyay ee walaalow aan iska fasaxno odayaashaan madaxweynahana ka dhaadhici, Fahad ayaa ku yiri Ra’salwasaare” ujeedadi aan ka laheyn xanibidooda waa gaarnay, horta in aan Garoonka ka celi karno nimaka Abgaal ee is waalwaalayay beryahan sow ma cadaan danteeni waa ka gaarnay waana fasaxeynaa”.

Kheyre hadalkaas waa ka carooday wuxuuna u fahmay in la isticmaalay kaarikiisa iyo kan m/weyne Waarana la gubay u jeedaduna aheyd in asiga iyo reer Muqdisha la is nacsiiyo ayna fududaato in laga tuuro booska,markuu gurigiisa kusoo laabtana qolka ayuu dhexda ka xirtay taleefanadana waa dansanyay waana amuureysanyahay maanta oo Dagab ayaa la gadoomay maadaama qob-moos loo dhigay oo la taraarixiyay. laga yaabee shaqada waa ka tegayaa in uu ku cadaadi maago sxbadiis iyaguna waaba inta ayba ka rabeen si halka sano oo u dhiman ay u badbaadsadaan oo qof kale oo umada ay ku khaldaan ay keensadaan Extentiona ku sameystaan waaba haday u suura gashee.
Kii Waare ahaa asna cir iyo dhul meel uu maro ayuu la’yahay reer Beledweyne ayaa kusoo qamaamay oo yiri nagama dhalan waana na ceebeysay anaga ayaana ku rideynaa kasokow cid kale, wuxuu asna xaqiiqsaday in istiraasha dufan leysaga tiray uu noqday gurigiisa baroor ayaa taala, gaari bulletbruuf ah ayuu ku dhex jiraa maadaama gurigiisi lagu soo qamaamay gaarigaas ayuu ku dhex xanibanyahay qofka wacana wuxuu leeyahay waa ley isticmaalay.

Aduunnyaay Waalaley masas hoos iska cunaaya umadana cunaya ayaan arkaa ee aan wada sugno waxa soosocda.

Contact: Xafiiska Shabakada Allmareeg.online London, UK

Email : Allmareeg@gmail.com / Tel ÷447984240403