SIR Culus:-Guddoomiye Yariisow oo la ogaaday inuu usoo jeestay lacagta Shacabka Muqdisho,kadib markii uu ku fashilmay….

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka jiray Khilaaf u dhexeeyay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Khilaafka u dhexeeya labada dhinac ayaa waxaa uu salka ku hayaa cida sida rasmiga u leh Buugga Caafimaadka iyo Talaallka la siinayo Muwaadiniinta ka dhoofaya Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ee aadaya dalka dibadiisa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa si cad ugu fashilmay War qoraal ah oo dhawaan bartiisa Facebook uu kusoo qoray,kaasi oo weerar Afka ugu qaaday Warkiisa Wasaaradda Caafimaadka dowladda.

Agaasimihii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Banaadir Dr.Cabdiraxmaan Cunaaye oo ku sugan Magaalada London ayaa waxaa uu sheegay in markii Nidaamka dowladnimo ee dalka si hagaagsan uu ku socdo maamulka Gobolka Banaadir uusan diyaarin Khaqaatiir Caafimaad,isla markaana aysan jirin Khaqaatiir u shaqeysa uu keenay.

Sidoo kale Dr.Cunaaye ayaa waxaa uu sheegay in Wasaaradda Caafimaadka ay Caawiso maamulka Gobolka Banaadir,isla markaana hada aysan aheyn in Guddoomiye Yariisow uu ku doodo in Buuga Caafimaadka  uu leeyahay Gobolka.

Dr.Cabdiraxmaan Cunaaye ayaa si toos ah u shaaciyay in Guddoomiye Yariisow haatan uu doonayo in lacago farabadan uu ku cuno sameeynsashada Buugga Caafimaadka,isla markaana uusan xaq u laheyn inuu ku doodo Buugga Caafimaadka oo ay leedahay Wasaaradda Caafimaadka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Isaga oo sii hadlaayay Dr.Cabdiraxmaan ayaa waxaa uu sheegay in uu jiro MCH Caan ah oo Aduunka oo dhan laga aqoosan yahay,kaasi oo la marsiiyo dadka u baahan talaallka Caafimaadka si ay dalka uga dhoofaan dalka.

Sidoo kale Dr.Cabdiraxmaan ayaa waxaa uu tilmaamay in mar uu tegay Magaalada Muqdisho uu arkay in Buugga Caafimaadka uu ku doodayo Yariisow isaga oo suuq Madow ah loogu iibiyo gaar ahaan Cabdalada Shideeyaha ee ku yaalla Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho,halkaasi oo lagu farsameeyo Dukumiintiyada been abuurka ah.

Ugu dambeyntii Dr.Cabdiraxmaan Cunaaye ayaa Carabka ku adkeeyay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow aysan aheyn inuu ku doodo wax uusan shaqo ku laheyn,isla markaana uu ku fashilmay,maadaama uu usoo dhigtay lacagta shacabka Soomaaliya inuu helo.

Hoos ka Dhageyso Codka Dr.Cabdiraxmaan Cunaaye,waxaana Wareystay Wariye Ayaanle Xuseen Cabdi oo ku sugan London.

 

 

W/Q:-Wariye Aweeys Geedi.