SIR Culus:-Safiirka Jabbuuti ee Somalia oo si Ula kac ah Gaf uga galay Somalia

Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Amb. Aden Beleloo ayaa sheegay arin gaf ku ah dhaqanka Diblomaasiyadeed.

Amb Adan Beleloo mar uu ka hadlayay maalinta 18ka May ee deegaannnada Maamulka Somaliland laga xuso ayuu sheegay sidatan “Khilaafyada siyaasadeed kolba Dhinac la iska dhigo, dadka Soomaaliland waxay mudanyihiin hambalyo. Waxay ku guulaysteen inay nabad, maamul iyo kala danbayn Dalkooga ku dhaqaan. Dawlad iyo shicibba, hambalyo walaalayaal.

Hadalka Safiirka ayaa meel ka dhac ku ah hab dhaqanka Diblomaasiyadeed maadaama uu faraha la galay arimaha gudaha Dalka Waxaa kale oo gaf ah in uu Somaliland ugu yeero.

18ka May waa maalin ku astaysan kala go’a Soomaaliya mana aha maalin mudan in Somaliland loogu hambalyeeyo.

Contact: Xafiiska Shabakada Allmareeg.online London, UK

Email : Allmareeg@gmail.com / Tel ÷447984240403