Somaliland oo soo Bandhigtay Ciidamo iyo gaadiid kasoo goostay dhanka….

Ciidamadii ugu badnaa oo watay gaadiidka nooca dagaalka kana tirsanaa Puntland ayaa ku biiray dhanka Somaliland, kuwaasi oo loogu soo dhaweeyay Degmo ka tirsan Gobolka Sool.

Ku dhawaad 150 Askari iyo Taliyahood oo Puntland uga howlgeli jiray deegaano ka tirsan Gobolka Sool ayaa xalay lagu soo dhaweeyay Degmada Taleex, kuwaasi oo Somaliland sheegtay inay kasoo goostay Puntland.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ka hadlaayay Munaasabadda  dhaweynta ayaa waxaa uu sheegay in Ciidankan ay yihiin kuwa muhiim ah, isla markaana ay Somaliland kusii biireen, sidoo kalena ay heli doonaan wax kasto ay u baahan yihiin.

Wasiirka ayaa ugu horeyntii uga mahad-celiyay sida ay u doorteen inay u soo garab istaagaan Somaliland, isla markaana ay arkeen in uu dhacay gabalkii Puntland.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Puntland oo ku aadan Ciidanka la sheegay inay ka tirsanaayeen, kuwaasi oo u wareegay dhanka Somaliland, waxaana labada dhinac ka dhexeeya siyaasad dagaal oo aad u xun.