Taabid Cabdi oo shaaciyay in laga gaabiyey ballan qaadyadii Qaraxii 14-ka October

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa waxaa uu ka hadlay Qaraxii ugu dhimasha badnaa oo laba Sanno kahor Maanta oo kale ka dhacay Isgoyska 14-ka October Ex Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Taabid Cabdi ayaa waxaa uu sheegay in uusan weli xausuutiisa ka go’in qaraxii 14-Ka October,kaasi oo loo adeegsaday gaari nooca Xamuulka qaada oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa,isla markaana qarxay xili wadada ay aheyd mid aad u mashquul ah.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ayaa xusay in xiligii uu  Duqa Muqdisho uu ahaa ee Xasuuqay uu ka dhacay Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeyb qaatan gurmadka deg deg ah ee waqtigaas loo sameeyay dadkii ku waxyeeloobay musiibada,isagoo tilmaamay in xiligaas dowladda kaliya aysan waxqaban Karin.

Waxaa kale uu sheegay in laga gaabiyey in la fuliyo ballan qaadyadii iyo talo soo jeedintii Guddigii Gurmad Qaran, si loogu diyaar garoobo ama looga gaashaanto dhibaatooyinka noocaan oo kale ah.

“Dareen weyn baa la muujiyay Umadda Soomaaliyeed waxay diyaar u aheyd dowladooda inay garab istaagto, naf iyo maal la huro, Alshabaab oo dhibkaas weyn geysata meel looga soow ada jeesto, balse ma aysan dhicin, waxaa loo baahanaa dad ku haga oo hoggaamiya kuna horkaca, si loo xaqiijiyo himiladaas, habacsanaan dhacda iyo ilduuf ka dhacay dowladda, fursadaas ay ka dayacantay dareenkii maalintaas bannaanka u soo baxayna aan laga faa’ideysan, waxay noqotay mid la hilmaamay dadkiina guryahooda isaga laabtaan,”ayuu yiri Taabit Cabdi Maxamed.

Si kastaba Xasuuqii Isgoyska 14-ka October Ex Zoobe ee Magaalada Muqdisho ka dhacay 2017-dii ayaa Maanta waxaa laga joogaa muddo laba Sanno ah.

Contact: Xafiiska Shabakada Allmareeg.online London, UK

Email : Allmareeg@gmail.com / Tel ÷447984240403