TOOS:-Xaflada Caleemo-saarka Madaxweyne Axmed Madoobe oo Bilaabatay

Magaalada Kismaayo ee Caasimadda maamulka Jubbaland ayaa waxaa haatan si rasmi  ah uga bilbaabatay Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha dowlad Goboleedyada Jubbaland

Munaasabadda Caleemo-saarka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya,Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare ee dalka,Xildhibaano ka tirsan labada Golle Baarlamaanka,Guddoomiyaha Xisbiga Wadaji iyo Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Munaasabadda ayaa waxaa lagu Casuumaray Wafdi ka socda dowladda Kenya oo uu hogaaminayo Aadan Barre Ducaale Hogaamiyaha Aqalabiyada Baarlamaanka Kenya oo Maanta gaaray Kismaayo iyo Madaxweyneyaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyo Marti Sharaf kale,kuwaasi oo ku sugan Kismaayo.

 

Contact: Xafiiska Shabakada Allmareeg.online London, UK

Email : Allmareeg@gmail.com / Tel ÷447984240403