Ugaas Maxamed Wali oo laga raray hotel Muqdisho uu ka daganaa kadib hanjabaad loo jeediyay:

Allmareeg.com: Ugaaskaan oo ay qaraabo yihiin Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan weerar afka ah ku qaaaday shirka Mudulood ee ka socda Muqdisho, inkastoo uu raali gelin ka bixiyay markii dambe.

Ilo wareedyo aanu ka helnay Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in Ugaaska ay soo wajahday cabsi amni, sidaas darteedna uu dalbanayo in laga raro hoteelkii uu dgaanaa lana geeyo meel u dhaw Villa Somalia, sida ay noo sheegeen xubno xog ogaal ah.

Dhawaan ayaa guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Daaci, waxa uu warbaahinta ka sheegay in la is-dili doono hadii aan wax laga qaban dadka ay hoteel dejisay dowladda Soomaaliya, islamarkaana u gafay beesha Mudulood.

Axmed Daaci si gaar ah cidna uma magacaabin, balse waxa uu weeraray shakhsiyaadka dowladda taageera.

Ugaas Maxamed Wali ayaa wixii hadalkaas ka dambeeyay raali gelin bixiyay hase yeeshee waxa uu wajahayaa handadaad iyo cabsi gelin, sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan kuwa amaanka.

Sidoo kale saraakiisha ayaa noo sheegay in Ugaaska lagala hadlay in uusan arrintaan saxaafadda ka sheegin, islamarkaana si hoose xal loogu raadin doono.