Wararkii ugu dambeeyay Qarax ka dhacay Muqdisho iyo Ciidamo lala eegtay

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo jugtiisa laga maqlay Xaafado ka tirsan Gobolka Banaadir.

Qaraxaas oo miino lagu aasay Laamiga dhinaceed ayaa waxaa lala eegtay Gaari nooca dagaalka oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan dowladda, xili ay marayeen agagaarka Jaamacadda Shabeelle ee Muqdisho.

Dadka deegaaka oo la hadlay Warbaahinta ayaa u sheegay inay maqleen jugta qarax, isla markaana ay socotay rasaas ay fureen Ciidamo ka tirsan oo xiliga uu qaraxa dhacaayay ku sugnaa meelku dhow halkaas.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay qaraxaas oo ka soo gaaray Ciidamadii dowladda ee lala eegtay, waxaana uu goobta falka ka dhacay gaaray Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya, isla markaana sameeyay baaritaano kala duwan.

War qoraal ah oo lagu daabacay Bogga Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxii Maanta ka dhacay agagaarka Jaamacadda Shabeelle ee Magaalada Muqdisho.

Contact: Xafiiska Shabakada Allmareeg.online London, UK

Email : Allmareeg@gmail.com / Tel ÷447984240403