Wararkii ugu dambeeyay dagaal xoogan oo ka dhacay G/Bakool

Dagaalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxaa uu ka dhacay Degmada Waajid ee Gobolka Bakool,kaasi uu u dhexeeyay Ciidamada dowladda Soomaaliyo iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab,waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.

Dad ku sugan Waajid ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalkan uu ahaa mid xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,isla markaana waxaa uu yimid kadib markii Al-shabaab ay weerar dhowr jiho ah ay kusoo qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda halkaasi ay ku leeyihiin.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala labaa dhinac uu ka dhashay dagaalkii ka dhacay Degmada Waajid ee Gobolka Bakool,inktaasi oo aan si dhab ah loo xaqiijin karin inta uu la egyahay.

Al-shabaabkii marka hore weerarka soo qaaday ayaa waxaa la sheegay in dib ay uga laabteen degmada,kadib markii iska caabin ay kala kulmeen Ciidanka dowladda oo gurmad ka helay kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

Contact: Xafiiska Shabakada Allmareeg.online London, UK

Email : Allmareeg@gmail.com / Tel ÷447984240403