Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo faah-faahiyay sawirkii ay wadagaleen Muuse Biixi.

Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay sawir wadajir ahaa oo ay Habeen hore wada galeen Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka ah iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland.

Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in kulankii Muuse Biixi, wasiirradiisa iyo Wasiirrada dowladda Federaalka ah ku dhexmaray Magaalada Maka ee dalka Sucuudiga aan looga hadlin wax siyaasad la xiriira.

Sawir wadareedka ay ku galeen Magaalada Barakeysan ee Maka ayaa waxaa uu qabsaday baraha bulshada sida Twitter-ka iyo Facebook,waxaana laga bixinayay falcelin kala duwan.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee Somaliland C/Raxmaan Maxamed Cabdullahi Cirro oo ka hadlay sawirkaas ayaa sheegay in Muuse wixii uu isaga ku caayi jiray uu banaanka ula soo baxay islamarkaana dadka Somaliland ay hadda fahamsanyihiin wixii Muuse ku caayi jiray isaga.

Waxaa uu Cirro sheegay in Soomaaliweyn ay hadda ka muuqato Muuse oo ficil ahaan u sameeyay sida uu hadalka u dhigay.Wasiirrada dowladda Federaalka ah ee sawirkaas ka soo muuqday qaarkood ayaa baraha bulshada soo dhigay iyaga oo sheegay in Magaalada Maka sawir wadareedka lagu galay uu yahay mid muujinaya dib u heshiin dhex martay dadka Soomaaliyeed.

Contact: Xafiiska Shabakada Allmareeg.online London, UK

Email : Allmareeg@gmail.com / Tel ÷447984240403