Wasiiro ka socda Xukuumadda Nabad iyo Nolol oo gaaray Boosaaso

Gelinkii dambe ee Maanta waxaa Magaalaa Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari gaaray Wafdi Wasiiro ah oo ka socda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,iyadoo halkaas loogu soo dhaweeyay.

Wafdigan ayaa waxaa hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad,waxaana ka qeyb ahaa Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Wasiirka Kalluumeysiga C/llaahi bidhaan, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng Cabdi Canshuur Xasan iyo xubno kale oo ka tirsan Xukuumadda RW Xasan Cali Kheyre.

Wafdigan Maanta gaaray Boosaaso oo dhammaantood ka soo jeeda Puntland ayaa waxaa uu jeedkoodu yahay sida la sheega inay la kulmaan Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni,isla markaana ay ka hadlayaan sidii loo xalin lahaa Khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Puntland.

Sidoo kale inta ay ku sugan yihiin Wasiirada ka socda dowladda Magaalada Boosaaso waxaa ay kulamo la qaadan doonaan Madaxda Puntland,iyadoona halkaas ka bilaabi doona wadahadalo lagu xalinayo Khilaafka dowladda iyo Puntland.

Dhinaca kale Wafdigan ayaa waxaa la sheegayaa in Puntland ay kala hadli doonaa sidii ay joojin laheyd taageerada ay siineyso dowlad Goboleedka Jubbaland oo Khilaaf  Xoogan uu kala dhexeeyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Contact: Xafiiska Shabakada Allmareeg.online London, UK

Email : Allmareeg@gmail.com / Tel ÷447984240403