Xiisad ka taagnayd Gobolka Bakool oo Xal hordhac ah laga gaaray

Iyadoo ay taagnayd colaad u dhaxeysa beelo wada dega gobolka bakool ayaa hadda waxa lagu soo waramayaa in xal laga gaaray ,colaadan u dhaxeysay labo maleeshiyo beeleed ayaa waxa ku baxay odayaal, waxgarad iyo siyaasiyiin kasoo jeedaa Gobolka Bakool

Colaadan ayaa ka dhalatay barkad biyo oo ku taalla deegaanka qudhunjoon isla gobolka bakool, iyadoo saameysay meelo ay kamid yihiin Degmada Xudur iyo Ceel barde.

Nabadoon Ibraahim Cabdulle oo kamid ah waxgaradkii ku baxay colaadan ayaa Warbaahinta  uga warbixiyay in ay xaaladdu haatan ay tahay mid deggan islamarkaasina la kala qaaday beelihii is horfadhiyay

Nabadoon Ibraahim ayaa dhinaca kale ugu baaqay dadka colaadda sii hurinaya, in xasiloonida laga wada shaqeeyo oo aan la siyaasadayn xaaladda deegaanada Gobolkaasi Bakool

Contact: Xafiiska Shabakada Allmareeg.online London, UK

Email : Allmareeg@gmail.com / Tel ÷447984240403