Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Jubbaland oo maanta lagu dhaariyay Magaalada Kismaayo. (Sawirro).

Magaaladda Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Jubbaland waxaa goordhaw lagu dhaariyay Xildhibaanada Cusub ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Xildhibaanadaan oo xalaya ay ku dhawaaqeen Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduuradaha Jubbaland ayaa isla maanta la dhaariyay.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaanno katirsan Golaha Shacabka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

Dhaarinta waxa ay ka dhacday Hoolka Daawad ee Magaalada Kismaayo, waxaana dhaarinta maray 73-Xildhibaan oo kamid ah 75-Mudane ee la doonayo in uu ka koobnaado Baarlamaanka labaad ee Jubbaland.

Gudoomiyaha Gudigga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland Xamse Cabdi Barre ayaa Xildhibaanada kula dardaarmay in ay guda galaan howlaha ka dhiman dhismaha Jubbaland.

Sidoo kale Madasha waxaa goobjoog ka ahaa Odoyaasha dhaqanka ee Soo xulay Xildhibaanadaan oo ka kala yimid Beelaha wax ku qaybsada Gobolada Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gedo oo ka kooban yahay Maamulka Jubbaland.

Xildhibaanada ayaa iska dhex dooran doono Xildhibaanka ugu da’da weyn, si uu usii shir gudoomiyo, mudada ay ka dooranayaan Gudoomiye iyo labo ku xigeen.

Dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka midna wali kama hadlin Xaaladda Magaaladda Kismaayo, waxaana ay u muuqdaan in ay ka yihiin Marqaati aamusan.

Image may contain: 3 people, people standing

Image may contain: 6 people, people standing

Image may contain: 5 people, people sitting

Image may contain: 4 people, people sitting and shoes

Image may contain: 9 people, people sitting

Image may contain: 4 people, people sitting and suit

Image may contain: 9 people, people sitting and outdoor

Image may contain: 4 people, people sitting

Image may contain: 6 people, crowd and outdoor

Image may contain: 5 people, people sitting

Image may contain: 7 people, people sitting

Image may contain: 8 people, people sitting

Contact: Xafiiska Shabakada Allmareeg.online London, UK

Email : Allmareeg@gmail.com / Tel ÷447984240403