XOG CUSUB :- DILKII ELMAS , SABABTA LOODILAY IYO CIDDII KA DANBEYSAY !

Elmas Elman waxaa lagu toogtay Xerada Xalane Dhexdeeda , qoriga Lagu dilayna wuxuu ahaa Nooca ay haystaan Saraakiisha Dhex dagan xerada xalane dhexdeeda , Dhacdadaas foosha xun kadib majirto Cid dhaq dhaqaaq iyo baaritaan midna Samaysay Dowladuna Xataa Kama hadlin dilkaas Gabadha Loo gaystay,

SHAQADII ELMAS HAYSAY !

Marxuumad Elmas Elman ayaa Waxay La shaqaynaysay Koox khuburo sirdoon ah oo ajaanib ah isla markaasna baaris iyo Xog raadin ku hayey dhacdadii Qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir kuna dhinteen Gudoomiyeyaal degmooyin, agasimayal iyo weliba gudoomiyihii Gobolka banadir Enjineer yariisow,

Baarista Baaxadda wayn ee Ay wadeen saraakiisha ay gabadhu la shaqaynaysay ayaa waxay Sida warar lagu kalsoon yahay sheegayan waxay Si buuxda U heleen in Qaraxii Xarunta Gobolka banaadir ay gacan ka gaysteen Saraakiil katirsan madaxtooyada Iyo weliba Masuuliyiin kamid ah Hoganka Sirdoonka Qaranka , Shaqsiyaadka Baaristu heshay waxaa ugu Horeeya Taliyaha Ciidanka nabad sugidda Fahad Yaasiin Xaaji Daahir , sidoo kale Zakariye xaaji ismaaciil oo horey u ahaa Alshabaab hadana ah Sarkal ciidanka nabad sugida ah ayaa Kamid ahaa Raggii qaraxii Banaadir ka danbeeyey.

OGAANSHIHII XOGTA QARAXI G.BANAADIR KADIB MAXAA DHACAY?

Ogaanshihii Qaraxii Ka dhacay Xarunta G.Banadir kadib Waxa dhacday in Rag uu hormuud u yahay Fahad yaasiin Waa taliyaha ciidanka Sirdoonka Iyo Weliba Masuuliyiin kale oo xafiiska madaxweye farmajo katirsan ay kulamo la qaataan sarakiishii ajnabiga aha iyo Gabadhii Keligeed Soomaliga ka ahayd Elmas elman isla markaasna ay Ka codsadeen in Xogta Dhacdadii qaraxa Aysan shaacin ayna saas ku dhaafaan daboolna saaraan arinkaas oo khubaradu diideen,

Diidmadii khubaradu diideen amarkii Fahad Yaasiin kadib waxaa dalka Maalin kadib isaga baxay Fred Yulkin oo u dhashay Dalka Talyaaniga Kana mid aha khubaradaas , Maalinkii Xigay waxaa Aaddan Cade ka dhoofay Jen. Ging hnbuy oo asaguna ahaa Khabiir sirdoonka Maraykanka katirsanaa ahana Ragii xogta keenay , Sidoo kale Maalmo kadib ayaa Intii kale ee kooxduna dalka ka baxeen marka laga reebo Elmas Elman oo labo cisho Muqdisho sii joogtay,

Elmas Elman ayaa Ayaduna Safarki ay kaga bixi lahayd xamar Oo Wax saacad ka yar kahareen ayna usocoto garoonka Adden Cadde ayna kudhex jirto Xerada Xalane uuna lasocdo Sawir qaadeheedii keliya Ayaa Xabad laga soo riday qoryaha diirada leh Lagu toogtay kadibna waxaa Xabsiga loo taxaabay sawir qaadeheedii oo ilaa imika xabsiga kujira ,sababta Asaga Loo qabtay ayaana lagu sheegay si uusan wax uun xog ah u sheegin ,

WAA KUMA RUUXA DILKA GABADHA KA DANBEEYEY ?

Dilka Emas Elman waxaa si toos ah u abaabulay ugana danbeeyey saraakiil katirsan Dowladda Soomaaliya Si gaar ah waxaa arinkaan uga shaqeeyay Saraakiil iyo masuuliyiin Ciidanka sirdoonka iyo nabad sugidda NISA Katirsan waxaana Amarka Iyo qorshahaba Lahaa Taliyaha ciidanka Sirdoonka fahad Yaasiin oo Asagu ah ruuxa Falkii Qaraxa Xarunta Gobolka Ka danbeeyey xogta lahelayna Asagu Furaha u ahaa.

Sarkaalkii Toogashada sameeyey oo ahaa Nin u dhashay Dalka Qadar kuwooda jooga Soomaliya 9maalmood kadib waxay Safar Ethopia ah isku raaceen Fahad yaasiin ,waxayna ethopia Joogeen 7maalmood kadibna Waxay Safar kale ku tageen Dalka Kenya Gaar ahaan Nairobi oo ay tageen Laba Habeen kahor oo hadda joogaan waxaana 2maalmood kadib fahad yaasiin imaan doonaa Xamar halka Ninka Elmas dilay ee Qadariga ahna uu Nairibi Ku sugi doono safiirka qadar ee Soomaaliya oo imaan doona Kenya….

La Wadaag Bulshada soomaaliyeed.